Yellow gradient

Cibaaro | Phenomenon

By Mohamed 'Haykal' Abdi | Part of A drop of hope, a collection of poetry inspired by the words of those who have been vaccinated at the Crick, the reflections of our vaccination volunteers, and the experiences of our local communities

Poem

Dunida afarteeda cidhif
Dhowaan cudurkii ku fiday
Muxuu cidhib xumo ka tegay

Muxuu cabsi baday arlada
Maxaa laga caagay nabad
Cidhiidhi maxaa la galay

Masiibadu waa cibree
Dadkoo qabay caafimaad
Cibaaro kolkay dul timi
Muxuu samihii car jabay

Cirroole awood darraa
Kolkii caabuqani ku dhacay
Muxuu cabbudhkii xarbiyay!

Maxaa cisi ruux lahaa
Calaamadihii jirrada
Kolkii laga helay ciyoon
Maxaa la cidleeyay keli!

Caa’ilo aan wada jeclayn
Markuu cudurkani salfaday
Maxaan la ilmaynnay ciil!

Casiis dad inoo ahaa
Markay ka tegeen carrada
Dabeed lagu aasay ciid
Caloolyoowgiyo huqdii
Maxaynu cishooyin badan
Calaacalnay murugadii

Cagaar geyigoo ahaa
Insigu ku caweeyo farax
Cirkiyo dhulka guud ahaan
Markii cirir saaqay yimi
Mugdiga ceeryaamadii
Maxaa caalwaa nafluhu
Cataabay ayaamo badan

Wax baa helay caalamkii
Culays daran baa kor yimi
Culuuntiyo saayniskii
Aadmigu citiqaadsanaa
In badan loo ciirsan jirey
Ayaa citibaar ku dhacay

Mudday caddilnayd kasmadu
Intaa cilmibaadhis iyo
La waday cillin-saariddii
Shilkani cidhibtiri lahayd

Rejada cimrigeeda iyo
Caddeed dhalataa la sugay
Cabbaar baa loo halgamay
Sidii loo caabbin laa
Cadaawahan halista badan

Dedaal culus oo la galay
Cuud iyo loo huray adduun
Caqliga tamartiisa iyo
Cilmiga sees looga dhigay
Ayaa caynaano dhalay

Kolkuu beryay waa cusubi
Carshiga nuur baa u baxay
Mar kale soo celiyay nolol
Calaamadihii rejada
Ayaa loo cugay murkaha

Casiis baa mahadda lehe
Haddii culimada dawadu
Tallaal caaqiibo badan
haddeer nagu caawiyeen
wanaag iyo waa cawee
Lib baa curate bulshooy
Rugaha caafimaadka taga
Cirbadda qaatoo is dura
Naftiinnana cadow ka jira.

Artistic statement

ভ্যাকসিন সেন্টার স্ট্রিট পোয়েট্রি প্রোজেক্ট, যেখানে পোয়েট ইন দ্য সিটি হাত মিলিয়েছে ফ্রান্সিস ক্রিক ইন্সটিটিউট -এর সাথে, সেখানে অংশগ্রহণ করা আমার কাছে এক বিশেষ সুযোগ ছিল। আমার নতুন কবিতা, ‘সিবারো’, যার মানে হল ‘বিস্ময়কর ঘটনা’, বিশেষ করে বিভিন্ন দৃষ্টিকোণ থেকে COVID-19 পরবর্তী অবস্থাকে তুলে ধরেছে।

সরল অথচ সমৃদ্ধ সোমালি ভাষায় রচিত এই কবিতাটি তিনটি মূল বিষয় ঘিরে আবর্তিত; ভাইরাস এবং এর শুরুতে তার প্রভাবের বেদনাদায়ক অধ্যয়, এই প্রতিকূল সময়ে একটি সমাজ হিসাবে আমাদের দৃঢ়তা এবং সবশেষে, একটি টিকা তৈরির জাতীয় এবং আন্তর্জাতিক প্রচেষ্টা, যা জীবন বাঁচাতে এবং আশা সঞ্চার করতে পারে। এই কবিতাটির উদ্দেশ্য হল যে এটি স্মৃতিধারী সমাজের প্রতি লক্ষ্য রেখে তাদের কাছে পৌঁছাবে, যেমন সোমালিরা, আর তার সাথে টিকা গ্রহণের ক্ষেত্রে যে কোনো ভ্রান্ত ধারণা ও ভয়কে নির্মূল করবে।

কবিতাটির শেষ অংশ চিকিৎসক এবং বৈজ্ঞানিক কমিউনিটিকে তাদের দারুণ কাজের জন্য প্রশংসা করে, যাদের কঠোর পরিশ্রমের ফলে টিকা আবিষ্কৃত হয়েছে এবং যার কারণে বিশ্ব আজ স্বস্তির নিঃশ্বাস ফেলতে পারছে। এটি মানুষদের উৎসাহিত করবে সামনে এগিয়ে এসে টিকা গ্রহণ করতে।

Ka qayb qaadashada mashruuca Gabayga Dariiqa ee Xarunta Tallaalka, oo hay'adda samafalka ee Poet in the City (Gabyaaga Magaalada jooga) ay kala shaqaysay machadka Francis Crick Institute, waxay aniga ii ahayd fursad cajiib ah. Gabaygayga cusub, ‘Cibaaro’, oo af Ingiriisi uga dhigan ‘Phenomenon’, ayaa si ballaaran u muujinaya natiijada ka timid cudurka COVID-19 oo laga eegayo dhinacyo kaladuwan.

Iyadoo lagu qoray hadal Soomaaliyeed oo sahlan, haddana qani ah, waxuu gabaygu diirradda saarayaa saddex qodob oo ugu muhiimsan; masiibada fayruska iyo saamaynta ay bilowgii lahayd, geesinimadeenna mujtamac ahaan muddadii rafaadkan, iyo, aakhirka, dadaalkii qaranka iyo caalamku u galay soo saarista tallaal nafta dadka badbaadin kara oo rajada soo celin kara. Gabaygan waxaa loogu talagalay in uu gaaro waxuuna ku toosan yahay mujtamacyada oraahda ku dhisan, sida Soomaalida, iyo in uu weliba tirtiro fikradaha qaladka ah iyo cabsida laga qabo qaadashada tallaalka.

Qaybta gabayga ugu dambaysa waxay ammaanaysaa bulshada caafimaadeed iyo aqoonyahannada oo ay ku ammaanayso shaqada aad iyo aad u fiican ee ay ugu soo gurmadeen dunida ka dib markii tallaalka la helay ee la ansixiyey. Waxay tani dadka ku dhiirrigelin doontaa in ay isu soo diyaariyaan oo la tallaalo.

Taking part in A Drop of Hope: Poetry from a Vaccination Centre, which Poet in the City has collaborated with the Francis Crick Institute on, was an impressive opportunity for me. My new poem, ‘Cibaaro’, which means ‘Phenomenon’, widely illustrates the COVID-19 aftermath from various angles.

Written in simplistic yet rich Somali language, the poem focuses on three main points: the trauma of the virus and its impact in the beginning, our fortitude as a society during this adversity, and, ultimately, the national and international efforts of producing a vaccine that can save lives and restore hope. This poem has been written in keeping with the Somali oral poetic tradition and is aimed at eliminating any misconceptions and fears around taking the vaccine.

The last part of the poem commends the medical and scientific community for their tremendous job of bringing relief for the world after the vaccine was found and approved. This will encourage people to come forward and be vaccinated.

About Mohamed 'Haykal' Abdi

Mohamed Haykal Abdi

Mohamed M. Abdi, better known as Haykal is a gifted poet, novelist, song-writer, story writer as well as a social activist. His poetry expresses and motivates the different sides of life, entertainment and building towards a successful society. Haykal is also the author of Masiibada Cagaaran a book written in Somali that explains the problems associated with Khat use within the Somali community and the most recent novel named Hanqadh. Haykal is currently based in Bristol.