Blue gradient background

Iftiin Baa Ii Soo Baxay

By Ibrahim Hirsi | Part of A drop of hope, a collection of poetry inspired by the words of those who have been vaccinated at the Crick, the reflections of our vaccination volunteers, and the experiences of our local communities

Iftiin Baa Ii Soo Baxay

Awel horuu nagu dhacay cudurkuu, oodda nagu rogaye
Kedis buu ahaa isbeddelkuu, iyo lama filaane
Alla muxuu na oof jabiyey oo, aakhiro noo jeediyey

Abaaroow guriga gegida haddaa, argagax taalaaye
Kala seegtay hooyo iyo ilmo, aqalku waa yaabe
Dunidiyo arliga baa rogan waa, xaal aduuneed’e

Maxaa ab iyo tagay hooyo iyo, odayo waaweeyne 
Maxaa dhalin agoomoobay iyo, cunug ababin weliye
Maxaa uurkutaallo lala go’ay, iilo lagu buuxmay

Aduunku xumbo daadeed weeye, gees walba abbaara
Kuwii oomanaa shalay haddaa, afka u buuxdaaye
Garangar orodo iyo waxay tahay, aalad socotaaye

Noo soo baxay iftiin cusub iyo, hawo udgooneed’e
Alaladu way macaantahayoo, iyo ayaamahane

Artistic statement

The poem I have written is called ‘Abaarow guriga’, or ‘The Homes Have Become Drought Stricken’. When first writing the piece, the responses I had collated from the archive to write about were all full of grief and sadness. Not wanting to erase this important aspect of the Covid experience, yet also wanting to bring a bit of hope and light to the piece, I went through the archive again and picked out hopeful and joyful quotes as well.

The first part of the poem illustrates change: the change in psyche, in space and in experience. The second part then tackles the idea of hope, and how things can change. The final part brings in the joy and hope-filled aspect, showing people’s happiness with the vaccine.

The poem was my way of trying to weave in personal experiences, yet also try to evoke a sense of hope in a way that the Somali community would be able to resonate with.

আমি যে কবিতা লিখেছি তার নাম “আবারো গুড়িগা” বা “খরাগ্রস্ত বাসাগুলি”। এই লেখাটি প্রথমে লিখতে গিয়ে দেখি, আমি আর্কাইভ থেকে যে উত্তরগুলি সংগ্রহ করেছিলাম, সেগুলি সবই দুঃখ ভারাক্রান্ত। আমি কোভিড-এর এই গুরুত্বপূর্ণ দিকটিকে মুছে দিতে চাইনি তবে তার সাথেই লেখায় আনতে চেয়েছি অল্প আশা ও আলো। তাই আমি আর্কাইভে গিয়ে পূণরায় তুলে নিয়ে এসেছি আশাপূর্ণ ও আনন্দের উক্তিগুলি। 

আমি তারপর কবিতাটি তিনটি ভাগে বিভক্ত করেছি। প্রথম অংশ দেখায় পরিবর্তন; মানসিকতা, স্থান ও অভিজ্ঞতায় পরিবর্তন এবং দুঃখে পরিপূর্ণ অভিজ্ঞতা। দ্বিতীয় অংশ শোনায় আশার বাণী এবং কীভাবে অবস্থার পরিবর্তন হতে পারে, গতকাল যতই খারাপ থাকুক না কেন, আগামীকাল ভালো হবেই। শেষ অংশটি আনন্দ ও আশ্বাসের বার্তা নিয়ে আসে  যাতে দেখা যায় মানুষের টিকা পাবার আনন্দ এবং যত ধীরেই হোক না কেন ভাল অবস্থা আসবেই।

এছাড়াও আমি কবিতাটিতে  ব্যবহার করেছি সোমালি চারণ ক্ষেত্রের দৃশ্য। যেমন প্রথম লাইনে ‘উউড্ডা’ যা হল যায়াবরদের ব্যবহৃত এক প্রকার বেড়া, এটি ব্যবহার করা হয়েছে অসহায়ভাবে বদ্ধ থাকা বোঝাতে। এই কবিতাতে আমি চেষ্টা করেছি আমার ব্যক্তিগত অভিজ্ঞতা বুনে দিতে, আর তার সাথে সেই আশা প্রোথিত করতে চেষ্টা করেছি, যার সাথে সোমালি কমিউনিটি একাত্ম বোধ করে।

Gabayga aan anigu qoray waxaa lagu magacaabaa “Abaarow guriga”, ama af Ingiriisi “The Homes Have Become Drought Stricken”. Markii ugu horraysay ee aan maansada qoray, jawaabaha aan iskaga soo ururiyey kaydka qoraallada waxaa ka wada buuxay tiiraanyo iyo qiiro. Anigoo aanan rabin in aan masaxo dhinacan muhiimka ah ee ka mid ah waayaha ka yimid cudurka covid, haddana weliba raba in aan xoogaa rajo iyo nuur ah u keeno maansada, waxaan mar kale eeg eegay kaydka qoraallada waxaanan weliba ka soo qaatay hadallo ama qoraallo rajo iyo farxad leh.

Qaybta koowaad waxay muujinaysaa isbeddelka; isbeddelka dhimirka, bannaanka, waayaha ama dhacdada iyo waayaha tiiraanyo badan. Qaybta labaad waxay ka dib ka hadlaysaa fikradda rajada, iyo sida ay xaaladdu isku beddeli karto Qaybta ugu dambaysa waxay meesha soo gelinaysaa dhinaca ay farxadda iyo rajadu ka buuxaan; iyadoo muujinaysa farxadda ay dadku ka qabaan tallaalka.

Gabaygu waxuu ahaa hab aan anigu iskugu dayey in aan isku xirxiro waayaha ama dhacdooyinka shakhsi ahaaneed ee dadka soo maray, anigoo haddana weliba isku dayey in aan dareenka rajada ku tilmaamo hab ay uga dhawaaq heli karto bulshada Soomaaliyeed.

About Ibrahim Hirsi

Ibrahim Hirsi

Ibrahim Hirsi is a student, writer and peer researcher for the Centre for Mental Health. A digital Somali cultural archivist and independent researcher, he is also the co-founder of WaaberiPhone. His work has been performed as part of the Bedlam Mental Health Festival, been part of the DearAyeeyo roundhouse exhibition and in the Creative but Confined exhibition.